(Akhriso Magacyada)Dadkii xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

Xalay qeybo kamid ah Magaalda Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya waxaa ka kala dhacay dilal qorsheysan oo loo kala geestay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo mid kamid ah Nabadoonada Caanka ah Gudaha Magaalada Muqdisho.

Abaara xiliga Afurka ayaa waxaa qeybo kamid ah degmada Wadajir ee Gobolkaan waxaa dil loogu geestay Gaashaanle sare Cabdullaahi Cilmi Nuur,oo Ciidanka Xoogga dalka u qabilsnaa dhanka Caafimaadka iyadoo kooxdii disahay ay Goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale isla xalay kooxo ku hubesnaa Bustoolado ayaa Xaafada Ansalooti ee degmada Waaberi waxa ay ku dileen Nabadoon Caan ka ahaa degmadaasi oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Maxamed Sheekh Abuukar,iyadoo sidaas silamid ah ay kooxdii dishay Goobta ka baxsadeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa laba laabay inta lagu gudajiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan howlgalada dhanka amniga lagu xaqiijinayo waxana weli muuqata in Muqdisho ay habeen walba si joogta ah uga dhacayaan dilalka qorsheysan.