Akhriso:-Magacyada Saddex Ruux oo Walaalo ah oo lagu dilay Muqdisho

Dadka la dilay oo gaarayay ilaa Saddex ruux ayaa dhammaantood ahaa rag isla dhashay,waxaana falkaasi uu ka dhacay garaash ku yaalla xaafada Gumareey ama Al-Cadaala oo ka tirsan degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir,waxana la sheegay in ninka wax dilay uu goobta ka baxsaday.

EheladaSaddexda Ruux ee la dilay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Ninka dilka geystay uu ka mid ahaa Askarta ciidamada dowladda Soomaaliya,isla markaana ay qaraabo dhow ahaayeen saddex raga ah ee uu dilay.

Saddexda raga ah ee la dilay,isla markaana isla dhashay ayaa waxaa lagu kala Magacaabi jiray Cabdullaahi Jeyte,Xasan Jeyte iyo Xuseen Jeyte.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media