Akhriso Magacyada Musharixiinta Xilka guddomiyaha Golaha Shacabka ee Maanta khudbadaha jeedin doonaan

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo dhageysiga khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya xilkaas oo uu baneeyey Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ilaa 11 musharax ayaa u taagan qabashada xilkaas,waxana shalay oo Arbaco aheyd khudbadahooda laga dhageystay ilaa 6 Musharax halka Shanta hartay Maanta oo Khamiis ah la dhageysan doono.

Musharixiinta Maanta la filayo in ay khudbadahooda jeediyaan ayaa waxa ay kala yihiin.

1- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye

2- Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal

3- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

4- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye

5-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur

Dhammaan musharixiintaan ayaa waxa ay Maanta soo bandhigi doonaan taariikhdooda iyo waliba waxyaabaha uu qaban doono qofkii guuleysta,waxana la filayaa in 30 Bishaan oo ku began Isniinta soo socota ay dhacdo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media