Akhriso:-Magacyada lix Dhalinyaro ah oo ay Puntland Maanta xukun ku ridday

Maxkamada Gobolka Nugaal Puntland ayaa Maanta xukun waxa ay ku ridday 6 Dhalinyaro ah kuwaas oo lagu eedeeyay falal la xiriira dhanka amniga iyo sidoo kale falal burcadnimo kuwaas oo Maanta Maxkamad la horgeeyay.

Dhalinyaradaan  waxaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi ah kadib markii ay dhaawacen Moobelana ka dhaceen Gabar lagu Magacaabo Sundus Cabdiraxman Maxamed.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Gobolka Nugaal oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay ahaayeen kuwo Maalintii aadayay Goobahooda waxbarasho halka xiliyada habeenkii ay dadka dhici jireen,isaga oo Magacyadooda ku kala sheegay.

1:- Cabdinajiib Maxamed Cabdiraxmaan Hooyadiis lagu sheegay Seynab Cabdiraxmaan.

2:- Saacid Cabdiqaadir Xasan oo ay dhashay Hooyo Xiddo Xasan.

3:-  Cabdifitaax Salaad Maxamed hooyadiis Magaceeda lagu sheegay Aamino Warsame.

4:- Jaamac Cabdi Jaamac oo ay dhashay Maandeeq Maxamuud

5:-  Shaakir Cabdi Noor Maxamed ina Raxmo Warsame.

6:-  Maxamuud Cabduqaadir Xuseen oo ay dhashay Shariifo Xuseen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media