Akhriso:-Magacyada Guddiga doorashooyinka oo Shahaadooyin KMG guddoonsiiyey 5 Xisbi Siyaasadeed

Munaasabad Maanta lagu qabtay Magalada Muqdisho ayaa waxaa Gudiga doorashooyinka Qaran ayb Shahaadooyinka KMG ah guddoon siiyeen  Shan  Xisbi siyaasadeed oo dalka ka jira

Xisbiyada Maanta Shahaadooyinka la siiyey ayaa  ku biiraya 10 xisbi oo horay Guddiga doorashooyinka Shahaadooyin u siiyeen,si ay Sanadka 2020 uga qeyb qaataan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Xisbiyada Maanta Shahaadooyinka KMG ah la guddoon siiyey.

 

1:- Xisbiga Shaqsiyadda iyo Wadaniyadda Soomaaliyeed waxaa guddoomiye ka ah Maxamud Maxamed Muuse

2:-Xisbiga Cadaalada iyo Badbaada Soomaaliyeed waxaa guddoomiye ka ah Maxamud Macalin Nuur

3:-Xisbiga Damiirka iyo Soomaalinimada iyo Horumarka waxaa guddoomiye ka ah Maxamed Macalin Xasan

4:- Xisbiga Hal-Qaran waxaa guddoomiye ka ah Maxamed Macalin Cali

5:- Xisbiga Dadka Soomaaliyeed waxaa guddoomiye ka ah Cabdirashid Maxamed Cali.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media