Akhriso:-Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo aqbalay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya

Maalma ka hor Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu ugu baaqay madaxda Galmudug ee is khilaafsan in ay isugu yimaadaan shir deg deg ah oo lagu dhex dhexaadinayo.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo ka mid ah Madaxda is khilaasfan ee Galmudug ayaa isaga oo ku sugan Cadaado waxa uu sheegay in codsiga dowladda ee ah in shir loo qabto madaxda Galmudug uu soo dhaweynayo.

War qoraal ah oo uu soo saarey ayuu ku sheegay in markii hore ay iyaga dalbadeen in madaxda khilaafka uu ka dhaxeeyo ee Galmudug la dhex dhexaadiyo taasina ay dowladdu ka jawaabtay,isla markaana isaga iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ay soo dhaweynaayan shirkaas oo dowaldu sheegtay in la qabanayo 30 Bishaan oo Beri ku began.

Hoos Ka Akhriso Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media