Akhriso:-Madaxweyne Gaas oo Shir ku casuumay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa Madaxda Dowlad goboleedyada waxa uu ku casuumay shir ka dhici doona Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ahna Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa Casuumadaas loo kala tiray Madaxda Maamul goboleedayda sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

Shirkaas Madaxda lagu Casuumay ayaa waxa uu Garoowe ka furi doonaa 20-ka Bisha soo socota ee Maarso,waxana looga hadli doonaa arrimo badan oo quseeya xaalada dalka iyo Danaha Dowlad Goboleedyada waxa uuna noqon doonaa shirkii labaad.

Hoos Ka Akhriso Warqada Casuumaada ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media