Akhriso:-Madaxweyne Gaas oo Maanta Isku-shaandheyn sameeyey

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo. kuna saabsan

Xeer Madaxweyne Lr.74 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Madaxweynaha Maamulka  Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka Maamulka  Puntland.

Markuu arkay:                      Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda shaqo

Markuu latashaday:             Madaxweyne kuxigeenka Puntland

Markuu Tixgeliyey:              baahida loo qabo habsami usocodka hawlaha wasaaraddaha

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa Axmed Cali Shire (Kayse) oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka.

Waxaa Ibraahim Xareed Cali oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Waxaa Aadan Caabi Samatar oo ahaa Agaasimaha waaxda Hotumarinta Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha.

Waxaa Cabdirxmaan Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda Horumarinta Xoolaha.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor