Akhriso:-Madaxweynaha Puntland oo Kala diray Golihii Deegaanka Magalada Qandala

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta kala diray Golihii deegaanka Magalada Qandala ee Gobolka Bari Maamulka Puntland.

Wareegto ka soo abxday Xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa lagu sheegay in sababta lookaa diaray Golaha deegaanka Magalada Qandala ay tahay gufasho la’aanta Shaqooyinkii loo igmaday.

 

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu ku saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

Xeer Madaxweyne Lr. 62 23 May kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgaliyey: Talo soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Markay caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday.

Wuxuu xeeriyey.

Waxaa la Kala dirayGolaha Deegaanka Degmada Qandala.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media