Akhriso:-Maamulka Hir-Shabeelle oo sameeyey xilka qaadis iyo Magacaabis

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee dowlad goboleedka hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu Magacaabay guddoomiye ku xigeenada Maamulka gobolka Hiiraan iyo duqa degmada Baladweyne.

Wareegatda ayaa waxaa lagu xusay kadib wadatashiyo lala sameeyey Xildhibaanada Federaalka ee ka  soo jeeda Hir-Shabeelle iyo markii la arkay abahida loo qabo isbedel lagu sameeyo Maamulka in la Magacaabay Masuuliyiintaan soo socota.

1:- Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo Magacaabay Xasan Ibarahim Cabdulle

2:- Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Hiiraan oo loo Magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.

Iyo Duqa degmada Baladweyne Cali Cabduqaadir Faarax.

Sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday Agaasimihii Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Xasan Cumar Axmed (Xasan Mahdi),waxana xilkaas loo Magacaabay Cabdi Shakuur Abuukar Xasan.

Xilal-BeledweyneHalkan Ka Akhriso Wareegtada

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor