Akhriso:-Maamul Goboleedyada oo dowladda ku raacay Go’aan ka dhan ah Soomaaliland

Madaxda Dowlad Goboleedayda Soomaaliya ayaa dowladda Federaalka a ku raacay Go’aankii ay uga hortimid macmiilka gaar ah ee deeqaha lagu siiyo Maamulka Soomaaliland.

War Qoraal ah oo Maanta ka soo baxay Madaxda Dowlad Goboleedyada loona diray xubnaha beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in nidaamka macmiilka gaar ah ee deeqaha lagu siiyo Maamulka Soomaaliland uu yahay mid kahor imaanayaa jiritaanka midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya.

Qoaralka oo ay ku saxiixnayeen Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada, Puntland, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland ayaa waxaa lagu cambareeyey deq bixiyaasha qaarkood oo la sheegay in ay ku adkey sanayaan in nidaamkaas oo weli sii Shaqeeyo.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Madaxda Dowlad Goboleedayda oo ku qoran Luuqada Inglish-ka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor