Akhriso:-Ku dhawaad 10 ruux oo 24 saac Gudahood lagu dilay Soomaaliya

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta dablay hubaysan ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan waaxda canshuuraha ee gobolka Banaadir.

Dilkan ayaa la sheegay in goor hore oo saaka ah uu ka dhacay degmada Hodan. dadka dilka gaysatay ayaa la sheegay inay goobta kaga baxsadeen mooto ay wateen.

Dhinaca kalena magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa xalay lagu toogtay Guddoomiye ku xigeenkii ururka haweenka ee degmada Xaliimo Xasan Diiriye. Sidoo kale dablayda gaysatay ayaa isla goobta ka baxsatay.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilalkan inkastoo  Al-Shabab ay inta badan sheegtaan dilalka ka dhacay waddanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Deegaanka Gandarshe ee Gobolka Shabeellha Hoose ayaa Maleeshiyaad hubeysan  waxa ay ku dileen ilaa Saddex ruux halka 5 kale ay dhaawaceen dilkaas oo la sheegay in uu ahaa mid aano qabiil.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media