(Xog): Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre

Ilo-wareedyo ku dhow Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa waxay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul-wasaare Kheyre xalay yeesheen Kulan muddo dheer socday, kaasi oo ay kaga hadleen Tallaabaddii ay DFS ugu gudbisay Dowladda Ethiopia Sarkaal ka tirsan Jabhadda ONLF, kaasi oo lagu magacaabo Cabdi Muuse “Qalbi-dhagax”

Madaxweyne Farmaajo waxa uu u sheegay Ra’isul-wasaare Kheyre inay Xukuumadda Federalka ku fududaatay dhiibistaasi, isla markaana arrintaasi ku wanaagsanayn Jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxa uu ka codsadayRa’isul-wasaare Kheyre inuu iska casilo xilka, inkastoo uu Ra’isul-wasaaraha ka biyo diiday arrintaasi.

Khilaafka soo shaac bixiyey ee u dhexeeya Farmaajo iyo Kheyre ayaan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono, waana markii ugu horreysay ee uu Khilaafkooda soo shaac baxo tan iyo markii uu Madaxweyne Farmaajo xilka Ra’isul-wasaaraha u magacaabay Xasan Kheyre bishii Feberaayo 23-dii ee sannadkan..

Si kastaba ha ahaatee, ma aha arrin ugub ah Khilaafka had iyo jeer soo kala dhex gala Madaxa Qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha, iyadoo Sooyaalka Hoggaaminta Qaranka laga wada dheregsan yahay Khilaaf-siyaasadeedkii ay ku kala irdhoobeen Madaxweynayaashii iyo Ra’isul-wasaarayaashii Dowladihii dalka soo maray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media