Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Kismaayo

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo gabaldhicii Caawa ka dhacay Meel aan ka fogeyn Madaxtooyada Maamulka jubbaland ee magaalada kismaayo.

Qaraxaan oo ahaa mid Gaari ayaa ka dhacay Goob Maqaaxi ah oo bulshada qaarkood ay Galabtii ku qaxweeyaan waxana la sheegay in Gaariga qarxay Goobta la dhigay.

Dadka waxyeelada ka soo gaartay badankood ayaa ahaa dadkii fadhiyay xiliga qaraxa uu dhacayay Maqaaxida,waxana Goobta intaasi kadib gaaray Gawaarida gurmadka deg dega ee Ambalaasta kuwaas oo qaaday dhaawacyada uu sameeyay qaraxaas.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Maamulka jubbaland ayaa haatan ku sugan Goobtii uu qaraxa ka dhacay ku sugan kuwaas oo xiray Wadooyinka soo gala,iyada oo xiliyada qaar rasaas kor u ridaya.

Meydad iyo dhaawacyo farabadan ayaa la soo sheegayaa in la geeyay Isbitaalka Magaalada kismaayo,waxana weli jirin cid sirasmi ah u faah faahisay qaraxaas iyo tirada dadka ku waxyeeloobay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media