Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Magaalada Cadaado

Waxaa degan xaaladda goobihii ay galabta ku dagaalameen ciidamada Maamulka Galmudug iyo maaliyeeshiyo jidgooyo halkaasi dhigtay oo uu wato nin lagu magacaabo Cabduqaadir Afweyne, dagaalka ayaa ka dhacay meel 5km waqooyi kaga beegan Magaalada Cadaado.

Meel u dhow Barta dagaalku ka dhacay ayaa waxaa kontorool ku lahaa ciidamada Booliska, Galmudug waxaana goob u dhow ku sugnaa Ciidamo uu watay  Cabduqaadir Afweyne, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qaadaan lacago sharcidaro ah.

Ciidamada Booliska iyo NISA ayaa weerar ku qaaday goobta, kadib markii ay  diideen in ay baneeyey goobta, waxaana halkaas ka dhashay dagaal khasaare dhaliyey, dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 4 qof oo labada dhinac ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 18 kale, dhaawaca ayaa waxaa ku jira dad shacab oo guryahoodu xabadu ugu tagtay.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu iminka tahay mid degan islamarkaana Goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Ciidamada Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media