Akhriso:-Kaalinta Soomaaliya ay kaga jirto Qiimeynta Sannadlaha ee Ganacsiga Caalamka

Bangiga Adduunka ayaa baahiyey Warbixinta Snnadlaha ee Qiimeynta Hawlaha Samaynta Ganacsiga ee Caalamka. Taasi oo lagu eegay Hawlaha  Samaynta Ganacsiga iyo Kororka Dhaqaalaha ee 190 Waddan oo ku yaalla Caalamka.

Warbixinta oo loogu magac daray “World Bank’s Doing Business 2018 report” ayaa lagu xusay inay Wrabixintooda asaas uga dhigeen Habak ugu sahlan in Gnacsi loo abuuri karo, Xuquuqda Milkiyadda, Nidaamka Xisaabaadka Ganacsiga, Qandaraasyadda Xoojinta, Sharciyadda Maalgashiga iyo Fududeynta Daymaha iyo Tirada wax-soo-saarka kale.

Warbixinta Bangiga Adduunka (World Bank) ayaa lagu sheegay inuu dalka New Zealand uu kaalinta 1-aad ka galay Qiimeyntaasi, halka dalka GEORGIA gashay Kaalinta Labaad.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey in Somalia kaalinta 190-aad ee ugu hooseysa ka gashay Qiimeyntaas Caaalamiga.

Bangiga Adduunka waxa uu tilmaamay in ay Somalia la daalla-dhacayso Xaallad Siyaasadeed tabar daran, Dhaqaale liita iyo sii-socashadda Cabsida Amaan-xumida.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media