Akhriso:-Jubbaland oo magacaawday Guddiga ka Jawaabista Musiibooyin

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa Maanta oo sabti ah magacaabay Guddiga diyaar garoowga iyo ka jawaabista Aafooyinka.

Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa loo magacaabay si ay gundhig ugu noqdaan ka wajaabista iyo u diyaar Garoowga dhammaan musiibooyinka iyo Aafooyinka ka dhici kara dalka gaar ahaana deeganada Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed oo Wareegtada magacaabista Guddiga soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in loo diyaar garoobo musiibooyinka sababi kara dhibaatooyin gaara shacabka.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha Guddiga ee la magacaabay.