Akhriso:-Heshiis dhexmaray Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif+Sawirro

Magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaa kulan xasaasi ah ku yeeshay madxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankooda ayaa waxa ay uga wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa xoogaa khilaaf ah oo soo kala dhexgalay xiligii dalka ay ka socdeen doorashooyinka.

Wararka ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka kadib ay wada gaareen  heshiis is cafis iyo is faham ah iyagoo ka heshiiyay in mad madoowgii soo kala dhexgalay xal buuxa laga gaaro.

Xiligii ay socdeen doorashooyinka dalka ayaa waxa ay labadooda hawada isku marsiinayeen Warar kul kulul,waxana taasi ay sii dheereysay in uu sii xoogeesto khilaafkii u dhaxeeyay labad dhinac.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud kulankooda ayaa ahaa kii ugu hoeeyay,waxaana la sheegayaa in ay garwadeen ka aheyd dowladda Uganda oo isku keentay maadaama ay kala deganaayeen Wadamada Tanzania iyo Uganda.

Sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media