Akhriso: Haweeneey sixun iskugu dishay Magaalada Garoowe

Wararka aan iminka ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay isku daldashay mid kamid ah Haweenka ku nool Magaalada Garoowe.

Haweeneydaan ayaa waxaa la sheegay in ay iskusoo xirtay gurigeeda oo ku yaalla Xaafada Hanti-Wadaag ee Magaalada Garoowe islamarkaana intaas kadib ay isdaldashay.

Macada Sababta ka dambeysa in Haweeneydaas ay isdisho balse qaar kamid ah dadkii deriska la ahaa ayaa waxa ay sheegeen in Xoogaa Maseer ah uu jiray waayadaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka puntland ayaa goobta gaaray waxana ay halkaasi ka qadeen Meydka haweeyneyda,iyagoo geeyay xarunta dembi baarista ee Magaalada Garoowe si ay u baaraan sababihii ay isku dishay Haweeneeydaas.

Falalka noocan oo kale ah ayaa inta dhaca koonfurta Somaaliya waxana falkaan uu yahay mid ku cusub deegaanada uu ka arimiyo Maamulka puntland

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media