Wadaadka Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horay uga mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab,balse markii dambe khilaaf soo kala dhexgalay uga regay Sanadii 2013,kii ayaa haatan ku sugan Gudaha Magaalada Muqdisho.
Warar ay heleyso Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in haatan Muqtaar Rooboow uu ku sugan yahay,Xrunta taliska Nabad-Sugida Soomaliya ee Maama Khadiija halkaas oo uu ku nasanayo.
Wararka kale ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Nasasho kadib lageyn doono Xarunta Madxtooyada Soomaaliya halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Farmaajo.
Muqtaar Rooboow ayaa ilaa iyo hadan aan weli soo bandhigin mowqifkiisa,maadaama horay uu uga tirsanaa Al-Shabaab islamarakana uu ku sugnaa deegaanka Abal,ee Gobolka Bakool,balse uu la dagaalamay Al-Shabaab.
Halkan kala soco Wararkii u dambeeyay ee Muqtaar Rooboow