Akhriso:-Hadalheynta booqashadii Axmed Madoobe ee Xabsiga uu ku xiran yahay C/kariin Qalbi Dhagax

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed(Madoobe) ayaa saakay waxa uu Xabsiga uu Magalada Adisa Ababa kaga xiran yahay uu ku booqday Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax.

Cabdi Kariin Qalbi Dhagax ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay Itoobiya ku wareejisay 27 Bishii Augosto ee Sanadkii tegay 2017,waxna warejintaas ka dhashay khilaaf hareeyay dowladda Soomaaliya.

Sawirro laga soo qaaday kulan dhexmaray Qalbi Dhagax iyo Axmed Madoobe ayaa muujinayay Qalbi Dhagax oo fdhiya Sariir qurux badan,isla markaana uu xiran yahay jaakad isaga oo dhoolacadeynaya.

Baraha ay Bulshada isticmaasho ayaa lagu hadal hayay Sawirradaas,waxana daka qaarkood ay shaki gelinayeen in Axmed Madoobe uu Xabsi ku jiro halka kuwo kale ay cadeynayeen in uu u xiran yahay dowladda Itoobiya.

Dowlada Soomaaliya weli kama hadlin booqashada Axmed Madoobe oo socdaal aan horay loosii shaacin ku jooga Itoobiya uu ugu tegay Cabdi Kariin Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha Ururka ONLF.

Hoos Ka Daawo Mid ka mid ah Sawirrada laga soo qaaday Kulanka.