Akhriso:-Gudoomiye Yariisow oo Isku-Shaandheyn & Magacaabis ku sameeyay Agaasimayaasha Waaxyaha Gobolka

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa waxaa magacaabis iyo isku shaandheyn uu ku sameeyay Agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir.

Wareegtadaan oo ku taariikhsan 13-ka bishan February ayaa waxaa xilal Cusub loogu soo kordhiyay gaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee gobolka halka dhammaan la baabi’iyay Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda xilkaas oo uu horay uga geeriyooday Allaha u Naxariistee Axmed Xasan Xuseen

Xamdi Cali Nuur oo markii hore ahaan jirtay Madaxa Khasniyada Guud ee Gobolka ayaa hadda waxaa loo dalacsiiyay in ay noqoto Agaasimha Khasnajiga Guud ee Dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale C/raxmaan Cusmaan Ibraahim ayaa waxaa loo Magacaabay Agaasimaha Miisaaniyadda iyada oo meesha laga saaray Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda oo C/raxmaan Cusmaan Ibraahim uu markii hore ka ahaa Agaasime ku xigeen.

Guddoomiye Yariisow ayaa dib u soo celiyay Xasan Xuseen C/llaahi, waxaana uu u magacaabay Agaasimaha Dakhliyada Kala duwan oo horay looga qaaday xilligii Guddoomiye Taabit.

Ayaan Cabdi Maxamed ayaa waxaa loo Magacaabay Agaasimaha Waaxda Canshuuraha,iyada oo horay u aheyd xubin ka tirsan waaxda Canshuuraha dowladda Hoose.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Gobolka ayaa markale Xasan Xuseen C/llaahi u Magacaabay Agaasimaha Dakhliyada Kala duwan kaas oo uu Gudoomiyihii hore ee Taabit xilka uu ka qaaday.

Tallaabadaan magacaabista iyo isku shaandheynta ah ee uu sameeyey Gudoomiye yariisow ayaa ku soo aadeysa xili uu xilka hayo mudo ka yar bil,iyada oo horay loo sheegay in Shaqaalo farabadan oo ka Shaqeynayay Xarunta gobolka Banaadir Shaqadii lag ruqseeyay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada kas oo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolk Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media