Akhriso:-Guddiyada Joogtada ee Golaha Shacabka oo Go’aamiyay Qodobada looga hadli doono Kulanka Baarlamaanka ee ugu soo horeeya

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka  ayaa Kulan waxa ay Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay ku Go’aamiyeen Ajandaha looga hadli doono Kulanka Golaha Shacabka ee la filayo in uu Maalinta Sabtida ah ka dhaco Magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa isla gartay in xukuumada laga talo galiyo hindiso Sharciyeedyo dhowr ah, kuwaas oo ay horay u gudbiyeen Xubnaha Golaha Shacabka si ay u maraan Akhrintooda Koowaad.

Sidoo kale Guddiga ayaa Kulanka ugu soo horeeya ee golaha Shacabka ee maalinta sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 9/9/2017 looga hadlo arrintii Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo dowladda Soomaaliya ku wareejisay dowladda Itoobiya.

Kadib Go’aankii dowladda ka soo baxay ee ahaa in Kariin Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa nin xiriir la’lahaa Al-Shabaab falal amnidaro ahna ka waday Muqdisho taas oo ay ku kala aragti duwan yihiin Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo kuwo ay taageereen kuwana ay ka soo horjeedaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media