Akhriso:-Goormee la magacaabayaa Golaha Wasiirada Maamulka Puntland?

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland uu soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada Cusub.

18,kii Bishii July ayaa Baarlamaanka puntland ay kala direen Golaha Wasiirada,waxaana haatan lagu soo waramayaa im qaban qaabadii u dambeysay ay ka socoto Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe.

Xalay ilaa Shalay Gelinkii dambe ayaa Madaxweyne Gaas,Waxa uu kulamo iyo wadatashiyo kala duwan uu la lahaa waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Puntland si uu u dhamestiro Golihiisa Wasiirada.

Wararka ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Gaas,uu sameyn doono kaliya isku-shaandheyn lagana yaabo in badankood Golihii Wasiirada ee lakala diray ay dib u soo laabtaan.

Xildhinaanada iyo Siyaasiyiinta Puntland ayaa Cabduweli Gaas,waxa ay ku cadaadinayaan sidii si deg deg ah uu ku soo dhisi lahaa Golihiisa Wasiirada

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media