Akhriso:-Farriinta Madaxweynaha: Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan maalinta shaqaalaha adduunta u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Waxaan hambalyo halkan uga dirayaa dhammaan shaqaalaha adduunka, gaar ahaan xoogsatada Soomaaliyeed munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1da May awgeed. Waxaan ku bogaadinayaa dhabar adayga iyo kartida aad muujiseen, idinka oo waliba ku shaqeynaya xaalado adag.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleyso horumarinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, isaga oo caddeeyay in Xukuumadda Federaalka ay haatan gacanta ku hayso shuruuc muhiim u ah dhawrista iyo daryeelka xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay ahmiyadda ay shaqaalaha Soomaaliyeed u leeyihiin kobcinta dhaqaalaha, sugidda amniga iyo ka qeyb qaadashada dadaallada loogu jiro dowlad dhisidda Soomaaliya, waxa uuna qiray in shaqaalaha Soomaaliyeed oo u badan dhallinyaro ay mudanyihiin ammaan maadaama ay lafdhabar u yihiin horumarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka hawl gala dalka in ay xil iska saaraan sidii ay qeyb libaax uga qaadan lahaayeen shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo daryeelka shaqaalaha haatan u shaqeeya oo kaalin muhiim ah ka qaato kobcinta dhaqaalaha dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media