Akhriso:-Faah faahin weeraro xalay ka dhacay Shabeellaha Hoose

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar khasaaro geystay oo xalay Al-Shabaab ka geysteen Xaafad ka mid ah degmada Afgooye iyo duleedka degmadaas.

Fiidnimadii Xalay ayaa Al-Shabaab wax ay weerareen fariisin ciidamo ka tirsan dowladda ku leeyihiin Xaafada Buulo Fooliyo ee degmada Afgooye,waxana halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday.

Dadka deegaanka qaarkood oo sihoose ula  hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in uu jiro khasaaro labada dhinac ah oo dagaalkaas uu sababay blse asyan cadeyn Karin.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa waxa ay weerar kale ku qaadeen fariisin Ciidamada Milateriga Soomaaliya ku leeyihiin Deegaanka Tixsiile e duleedka Afgooye,waxaana si lamid ah halkaasi ka dhacay dagaal kale kaas oo Goobjoogayal ay sheegeen in ay arkeen dhimashada skar ka tirsan ciidanka dowladda iyo kuwa Shabaab.

Weeraradaas xalay ka dhacay Shabeellaha Hoose gaar ahaan Afgooye weli kama hadlin masuuliyiinta Maamulka degmadaas iyo Saraakiisha Ciidamada Milateriga Soomaliya ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leyihiin Internet-ka ayaa wax ay ku sheegen in dagaalkaas ay Guulo ka gaareen isla markaana ay la wareegeen deegaanka Tixsiile.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media