Akhriso:-Faah faahinta Xildhibaan lagu dilay Caawa Kismaayo

Fiidnimadii Caawa ayaa Kooxo hubeysan waxa ay Xaafada Calalaey ee Bartanaha Magaalada Kismaayo waxa ay ku dileen mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Xildhibaan C/xakiin Jaamac Cilmi (Tima-faras) ayaa xiliga la dilayay waxa uu ku sugnaa Goob mashquul badan oo ku taalla Xaafada Calanley ee Magaalada Kismaayo sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Kooxdii soo weerartay oo Bustoolado ku hubesnaa ayaa dhowr Xabadood Madaxa kaga dhufatay kadibna isbitaalka loola cararay kaas oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday.

Ehelada Marxuumka iyo qaar ka mid ah Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa Goobta gaaray,kuwaas oo iskudayay in ay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka wallow aysan ku guuleysan.

Lama oga cida ka dambeysa dilkiisa mana jirto sidoo kale cid sheegatay.

Wararkii u dambeeyay ee hadda nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Jubbaland ay wadaan baaritaano isla markaana Goobihi Ganacsiga ay xiran yihiin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media