AKhriso:-Faah faahin qarax ka dhacay degmada Warta-Nabada

Waxaa faah faahino dheerad ah ay ka soo baxayan qarax Miino oo Barqanimadii Talaadada Maanta ka dhacay agagaarka Saldhigga degmada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah isla markaana lala eegtay Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya basle markii uu gudbay ay qaraxday.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga qaraxa lala beegsaday uu watay taliyaha Saldhigga booliiska degmada Deeyniile Macalim Faarax iyo Ciidan la socday,kadib markii uu qaraxa dhacay markii uu gudbay Gaarigii u watay.

Majiraan sida aan Wararka ku heleyno khasaaro dhimasho ah balse dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas iyo  burbur yar oo soo gaaray Gaariga taliyaha.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa Goobta tegay,kuwaas oo baritaano kooban halkaasi ka sameeyay wallow aysan dad u soo qaban qaraxaas.

Weli wax War ah dhankooda kama soo bixin masuuliyiinta Maamulka degmada Warta-Nabada oo uu qaraxa ka dhacay iyo kan degmada Deeyniile.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media