Akhriso: Doorka amniga Caasimadda Ciidamada xaslinta iyo Shacabka Gobolka Banaadir

Ciidamada xasilinta Amniga Muqdisho ayaa weli waxa ayu howlgallo ka wadaan inta badan degmooyinka Gobolkaan Banaadir si loo xaqiijiyo amniga Caasimadda Soomaaliya oo mararka qaar ay ka dhacan falal lidi ku ah dhanka amniga.

Wadooyinka Waaweyn ee ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo Isgoysyada ayaa waxaa taagan ciidamada xasilinta amniga waxa ayna baarayaan Gaadiidka yar yar ee Wadooyinkaas isticmaala iyo waliba dadka saaran Gawaaridaas si ay kaga hortagaan qaraxyo lagu soo qariyo.

Wadada ka timaada Isgoyska Zoope ee soo aada dhanka Isgoyska km4 ayaa haatan ah mid mashquul badan waxana marka aad mareyso ay kugu qaadaneysaa inaad ku socotid wax ka badan Saacad, baaritaanada xowliga ah ee xiligaan ka socda aawgeed.

Markii aad saaran tahay Gawaarida dadweynaha ayaa waxaad arkeysaa in Shacabku ay dhibsanayaan howlgalka ay wadaan ciidamadu basle markii ay dhacdo dhibaato ama qarax waxyeelada ugu badan ay u gaareyso Shacabka.

Saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya ayaa waxa ay ciidamada baaritaanada wada kula  dardaarmeen in aan la waxyeeleyn Shacabka balse Shacabku uma dulqaadan karaan in mararka qaar ay Wadooyinka ka xiraan Su’aasha isweeydiinta ah ayaa ah Shacabku ma doonayaan miyaa in la helo Nabad iyo kala dambeen markii aad maqasho hadalada mararka qaar afkooda ka soo baxaya.

Gaba gabadii Shacabka Soomaaliyed ayaa waxaa taageero uga baahan Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho Ciidamada ayaana iyana looga baahan yahay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan Shacabka ay masuulka uga yihiin dhanka amniga si dadka Soomaaliyeed ee dalka ay u wada Nabad galaan cadawgana uga faa’iideysan.

Waxaa Diyaariyay Cabduqaadir Jakaarta

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media