Akhriso:-Diyaar garoowgii u dambeeyey ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Saacado kaliya ayaa inaga xigta doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo ay ku tartami doonaan ilaa 11 musharax oo dhammaantood ah Xildhibaano.

Waa tiradii ugu badneyd ee abid isku soo sharaxda tartanka loo galayo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya waana doorasho aad u adag marka loo fiiriyo doorashadii Tan ka horreysay oo uu ku soo baxay guddoomiyihii is casilay ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Musharixiinta ayaa haatan wada ololihii ugu dambeeyey oo ay ku doonayaan in ay ku kasbadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya,waxaana xusid mudan in musharixiinta qaarkood ay iska casileyn xilal muhiim ahaa sida Wasiirkii Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Weli lama saadaalin karo cidda ku guuleysan doonta xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka laakin 11 musharax mid ka mid ah ayaa xildhibaanada laga doonayaa in ay u doortaan guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada ayaa waxaa lagu casuumay oo korjoogto ka noqon doona guddoomiyaha Aqalka Sare,guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Madaxa banaan ee qaranka.

Sikastaba waxaa Shacabka Soomaaliyeed ay dhursugayaan in la doorto bedelka guddoomiyihii xilka isaga tegay ee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyada oo Baarlamaanka soomaaliya ay weli horyaallaan Shaqooyin adag.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media