Akhriso:-Dilal xalay ka dhacay degmada Guriceel

Wararka aan ka heleyno degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in xalay halakaasi ay siyaabo kala duwan uga dhaceen dilal kala duwan.

Ilaa laba Ruux ayaa la sheegay in xalay lagu dilay degmada Guriceel,mid ka mid ah dadka la dilay ayaa rasaas lagu furay xili uu ku sugnaa Goob maqaaxi ah waxana sidoo kale dhaawac soo gaaray dadkale.

Arintaan ayaa lala xiriirinayaa dhanka aanooyinka qabiilka ah,oo maalmihii la soo dhaafay ka jiray qeybo ka mid ah degmada Guriceel oo horay uga dhaceen dilal kala duwan.

Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Maamula Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca,waxana ay hada wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media