Akhriso:-Dilal Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Magalada Muqdisho

Xalay Magalada Muqdisho waxaa ka dhacay dilal kala duwan kuwaas oo loo geysatay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad u badan Shacab,iyada oo dilalkaas aan weli dad loo qaban.

Dilka koowaad ayaa waxa uu ka dhacay xaafad ka mid ah  degmada Kaaraan,waxana la sheegay in Askari ka tirsan ciidanka dowladda uu dilay Darawal gaari BL-ah kadib markii ay murmeen.

Sidoo kale agagaarka Isgoyska Tarabuunka israsaaseyn dhexmratay ciidamo ka wada tirsan dowladda ayaa sababtay dhimashada Gabar Magaceeda lagu sheegay Maandeeq Salaad oo ka mid aheyd Ardaydii Sanadkaan dhameysay dugsiga Sare,isla markaana ay ku howlaneyd sidii ay Jaamacad u geli laheyd.

Dil kale ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid,waxana dad aan la hadalnay ay sheegeen in rag hubeysan ay toogteen laba Dhalinyaro ah,isla markaana ay baxsadeen.

Dilalkaan ayaa waxa ay ku soo aadayaan xilli Ciidamada ammaanka ay aad u adkeyeen amniga Muqdisho balse ay weli Muqdisho sijoogto ah uga dhacayaan dilalka qorsheysan oo ay masuuliyaooda sheegtaan Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media