Akhriso:-Dagaal dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab

Dagaalkaan ayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab waxa uu ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dhaq dhqaaqa Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamo ka tirsan dowladda ku leeyihiin  tuulada Dal-biyaango oo ku dhaw deegaanka Danow ee duleedka Degmada Qoryooley,waxana halkaasi ka dhacay dagaal socday mudo Saacad ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in hal askari inuu kaga dhintay weerarkaasi, dhankoodana ay dileen laba ka mid ah Shabaab sida ay sheegeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in inay la wareegeen gacan ku haynta Saldhiga ay weerareen, inkastoo ay sheegeen markii dambe inay isaga baxeen.

Wararkii u dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada deegaankii lagu dagaalamay ay tahay mid egan,oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media