Akhriso:-Baarlamaanka Jubbaland oo xasaanadii kala noqday mid ka mid ah Xildhibaanada

War Qoraal ah oo ka soo baxay gudiga Anshaxa ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in xasaanadii laga qaaday Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan.

Gudiga ayaa Xildhibaanka waxa ay ku eedeeyeen in uu galay faldambiyeed la xiriira been abuur iskahor keenid iyo qalqal gelin Gayiga Jubbaland iyo in uu keenay mooshin been abuur ah sidaasna ay xasaanadii uga qaadeen.

Waxa ay sheegeen in warqada xasaanada looga qaaday Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan ay u gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, isla markaana uu aqbalay.

Hoos Ka Akhriso Warqada Xasaanada looga qaaday Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media