Akhriso: Amarka ka soo baxay taliska Taraafikada gobolka Banaadir

Taliyaha Ciidamadda Taraafikadda Soomaaliyeed Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa ka hadlay habka saxda ah ee laga doonayo dadka kala iibsanaayo  Baabuurta.

 Taliyaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in qofka gaariga iibsanaayo in uu ku dadaalo in buuga gaariga lagu qoro magaciisa si loo ogaado in uu gaariga leeyahay.

Taliyaha oo ka hadlayey howlgal ay kula dagaalayeen in gawaaridda lagu baakimo Hareeraha Wadadda Maka-almukarmaha ayaa yiri

“gaarigii aan soo qabano ee aan kasoo qaadno goobaha baakinka loo diiday ee wadada hareeraheed ah qofka sheeganayo waxaa laga doonayaa in uu la yimaado buug uu ku cadeynayo lahaanshihiisa waxaana qasab ah in uu Magaciisa ku qornaado ” .

Dadka kala gadanaayo Gawaarida ayaa laga dhursugayaa in ay dhaqan geliyaan amarkan kasoo baxay Taliska Taraafikadda Soomaaliyeed si ay uga badbaadaan culeyso badan oo soo wajihi karo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media