Akhriso: Al-Shabaab oo sheegtay in Puntland ay ka dileen 61 Askari

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saakay aroortii waxa ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Maamulka Puntland ay ku leeyihiin deegaanka  Af-urur oo ah duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Puntland.

Dagaalka oo socday mudo ku dhow saacad,ayaa waxaa lesku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoo dadka deegaanka qaarkood ay dalsan u sheegeen in daryanka Madaafiicda leysku adeegsanayay ay ka maqlayeen deegaanka uu dagaalka ka socday.

Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Intarnetka waxa ay ku sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen ilaa 61 Askari halka ay ku qabsadeen 16 Gaadiid oo 9 ka mid ah ay yihiin kuwa dagaalka islmarkaana ay mudo Saacado ah si buuxda Gacanta ugu hayeen deegaanka Af-urur ee duleedka Magaalada Boosaaso.

Saraakiisha laamaha amniga Maamulka Puntland weli kama hadlin dagaalkaas iyo waliba sheegashada Al-Shabaab in ay dileen Askar badan iyo in ay qabsadeen Saanad iyo Gaadiidka dagaalka Ciidamada Puntland

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media