Akhri-Xogo Ku Saabsan Markabkii Sameyn lahaa Fiiladii Internet-ka Fibre Optic ee ka go’ay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dalka Cumaan laga dalbay Markabkii sameyn lahaa Fiiladii Internet-ka Fibre Optic ee ka go’ay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana Inerne la’aana jira ka dhalatay saamen aad u balaaran.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Axmed Xaaji Cabdi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saameyn badan ku yeelatay shaqadii dowlada iyo shaqooyin badan oo dalka ka jiray adeega Internetka ee go’an.

Axmed Xaaji Cabdi ayaa sheegay in dalka Cumaan laga dalbaday Markabkii sameyn lahaa Fiilada Internet-ka Fibre Optic ee badda ka go’da, waxa uuna tilmaamay in aan wali la ogaan Karin xiliga la
xalinayo cilad jirta uuna dib usoo laabanayo adeega Inernetka.

Waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka uu ka jiro Inetnet la’aan, waxa uuna xusay in Internet la’aanta jirta ay saameeyn ku yeelatay shaqada dowlada ee xafiisyadan ka socotay iyo sidoo kale adeegyada bulshada ee ku xirnaa Internetka.

‘’Waxaa go’an Inernetkii magaalada ka jiray, waxaa hada shaqeenaya Internet yar oo daciif ah oon bulshada shaafin Karin, weyn adag tahay in la sheego waqtiga rasmiga ah ee la xalinayo cilada jirta , waxaa hada dalka Cuman laga dalbay markabkii sameyn lahaa Fiilada Internetka Viber Optica-ga ee badda ka go’day’’ Ayuu yiri Agaasimaha Wasaardaa Boostada iyo Isgarasiinta Somalia.

Agaasimaha ayaa sheegay in Shirkadaha bixiya Khadka Interka in ay ka albadeen in a keenaan Satelite Internet oo loo isticmaalo si KMG ahsi shaqooyinka qaar loogu sii qabto, waxa uuna intaa raaciyay in Shirkadaha qaar durba keeneen balse culeeska uu ka tan badan yahay.

Adeega Internetka ayaa ka maqan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya mudo afar maalin ah, waxaana Internet la’aanta jirta sabab looga dhigay in ay go’day Fiiladii Inter Viber Optica, waxaana wali la ogeyn xiliga la xalin doono Internet la’aanta jirta oo saameyn badan dadka ku yeelatay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor