Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada uu shir uga furmo Madax ka kala socota Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Ahlusuna.
Shirkaan ayaa daba socda Shirkii Ahlu Sunna iyo Galmudug ee Bishii April ka fashilmay ,waxaana ka qeybgelaya dhinacyadii xilligaas ka qeybgelay shirka.
Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Xubno ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaliya sida Wasaaradda Arrimaha gudaha oo Goobjoog ka noqon doona.
Maalma ka hor ayaa Madaxda ugu sareysa Ahlusuna iyo Galmudug waxa ay dalka Jabuuti ku kala saxiixdeen heshiis kaas oo inta ka hasran lagu dhameystiri doono Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud.