Ahlu Sunna oo Xirtay Nin sheegtay inuu Madaxweyne Yahay

Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa Xabsiga dhigay Cabdullaahi Dhoodi oo Duleedka Magaaalada Dhuusamareeb Shalay kaga dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Ahlu Sunna ay dhistay Ee Maamulka Gobolada Dhexe.

Maamulka Ahlu Sunna oo ka hadlay Xariga Ninkan iyo sababta uu ugu dhawaaqay Xilkasi uu sheegtay Cabdullaahi Dhoodi ayaa shaacisay in markiisa hore uu Ahaa ninkan Gudoomiye Waaxeed Xilkiina laga qaaday sida awgeydna carro uu qaaday uu u sameeyay arintasi.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa Xalay ka soo qabtay Cabdullahi Dhoodi Deegaanka Ceeldheere oo qayaastii 30 KM u jira Magaalada Dhuusamareeb sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna.