Ahlu Sunna oo Maanta Maxkamad Soo Taageysa Lix Saxafi

Ahlu Sunna Waljameeca Ayaa Maanta maxkamad soo taageysa Lix Saxafi oo lagu soo oogay iney hurinayeen Colaad baahsan kadib markii ay warar ka tabiyeen Dibad bax ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb Ee Gobolka Galguduud.

Wariyeyaasha Xiran ee Maxkamada La soo taagi doono waxaku jirta Wariye Nafisa Xersi oo loo heysto iney warbaahinta ka sheegtay Tacadiyo saxafiyiinta ay kala kulman Ahlu Sunna Waljameeca.

Ururada U dooda Saxafiyiinta Soomaaliyeed Ee NUSOJ iyo SIMHA ayaa si wada jir ah u Cambaareeyay Xariga Wariyeyaasha waxa ayna Ahlu Sunna ugu yeereen iney si deg deg ah ku sii deyso Saxafiyiintasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor