Agaasimihii Wasaaradda Gaadiidka Oo Lagu Toogtay Muqdisho

C/risaaq cali caanood oo ahaa Agaasimihii wasaaradda gaadiidka xukuumada soomaaliya ayaa galabta waxaa lagu dhex toogtay gudaha xafiiskiisa oo ku yaala degamada shangaani ee gobolka banaadir.

Ilo wareedyo ayaa waxaa ay noo xaqiijiyeen in dilka agaasimaha uu ka dambeeyay mid kamid ah ilaaladda marxuumka.

Ciidamo ka tirsan nabad-guda iyo kuwo booliiska soomaaliya oo gaaray dhismaha wasaaradda ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay baaritaan kadib ay xabsiga u taxaabeen tiro kamid ah ilaaladda wasaaradda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor