Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Haweenka oo xilkii laga qaaday

Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaaliya ayaa waxaa xilkii looga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka dowladda Federaalka Somaaliya.

Wasiirada Haweenke iyo Xuquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin ayaa saaka u sheegtay shaqaalaha Wasaaradda in xilka laga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Mr c/qani Sheekh, lana magacaabay Agaasime cusub.

Agaasimaha cusub ee loo magacaabay Wasaaaradda Haweenka ayaa lagu magacaabaa Deeq Saleebaan Yuusuf oo ahaa Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Puntland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xil ka qaadista Agaasimihii hore ay la xiriirto dhanka awood qeybsiga, maadaama ay isku heyb yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, waana tan dad badan ay u sababeynayaan inuu xilkiisa waayo.

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Haweenka ayaa noqonaya agaasimihii u horeeyay ee digreeto Madaxweyne ku magacaabo Madaxweyne Farmaajo.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media