Agaasime ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo la kulmay Mas’uul ka tirsan Shirkadda Warbaahinta StarTimes ee Shiinaha.

Agaasimaha Qorsheynta & Xiriirka Caalmiga ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Nasser Hassan Hussein oo maalmahan socdaal shaqo ku jooga dalka Koofur Afrika ayaa kulan gaar ah la qaatay Mr GU Xun oo ah Ku-Xigeenka Guddoomiyaha StarTimes ee u qaabilsan xiriirka caalmiga ah. StarTimes ayaa ah Shirkad dhanka Warbaahinta tan ugu sareysa ee dalka Shiinaha oo wada qorshe ay ku ballaarineyso howlaheeda warbaahineed dalalka Afrika.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya iyo StarTimes si ay uga wada shaqeeyaan horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa barnaamijka Digital-ka oo looga guuri lahaa nidaamka analog oo adduunka intiisa badan ka guurtay.

Agaasime Nasser ayaa ka qeybgalay kulanka Shiinaha & Afrika ee dhanka Warbaahinta oo lagu qabtay dalka Koofur Afrika. Kulankan oo hordhac u ahaa kulanka guud ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Shiinaha ugu socda magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.

© Radio Dalsan