Agaasimayaal Xawaalado ku yaalla Kenya oo lala xiriirinayo inay Alshabaab maalgeliyaan oo xabsiga lagu sii haynayo

Labo Agaasime Xawaaladeed oo madax ka ahaa Shirkadda Sky Forex Limited ee uu fadhigeedd dhexe ku yaallo Britain, ayaa lagu soo oogay inay malageliyaan Alshabaab iyo inay  Ganacsi Bangiyeed aan shaarci lahayn ka hawlgalayeen.

Labada Agaasime oo lagu kala magacaabo Abdirashiid Jama Ibrahim iyo Ali Mohamed Hersi ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Sharciga ee MILIMANI, waxaana lagu soo oogay inay lahaayeen Xarun lagu sarifo lacagaha qalaad oo aan Laysan ka haysanin Bangiga Dhexe ee Kenya.

Garsooradda Maxkamadda oo lagu magacaabo Susan Kurugo ayaa amartay in Labada Agaasime Xawaaladeed lagu sii hayo xabsiga muddo saddex malamood, si ay Baarayaasha gacan uga siiyaan baaritaankooda.

Waxay sheegtay inay Xawaaladda Sky Forex Limited ka mid tahay  Shirkadaha Xawaaladaha ee lagu soo bandhigay Liiska Madow ee Shaqsiyaadka iyo Xawaaladaha lagu tuhunsan yahay inay maalgeliyaan Xarakadda Alshabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor