Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo Xilka la Wareegay

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay Munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare Mudane Xasan Maxamed Cali.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Faysal Cumar,  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Marti sharaf kale ayaa ka soo qeyb galay Munaasanada.

Xasan maxamed Cali Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare  ayaa xilka waxuu kala Wareegay Maxamed Cabduqaadir Nuur oo ahaa Agaasimaha Waxbarshada Aas aasiga iyo Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo ahaa Agaasimaha hidaha iyo taclinta Sare.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshadda hidaha iyo taclinta sare Faysal Cumar oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in looga fadhiyo Agaasimaha cusub in uu sii ambaqaado horu socodka shaqada wasaaradda.

Agaasimaha Wasaaradda Xasan maxamed Cali oo la kulmay shaqaalaha ayaa wuxuu balanqaaday in uu u shaqeyn doono si cadaalad ah, islmarkaana wuxuu shaqaalaha ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media