Agaasimaha Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee EHAHRDP oo soo booqday qoyska Weriye Hindiya Xaaji Maxamed.

Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP), Dr. Xasan Shire waxa uu booqday qoyska ay ka geeriyootay Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsanayd Idaacadda Radio Mogadishu, taasi oo bilowgii bishan lagu dilay magaalladda Muqdisho.

Dr. Xasan Shire waxaa socodkiisa uu ku booqday qoyskaasi ku wehliyey Guddoomiyaha Hay’adda Warbaahinta Madaxa-bannaan ee SIMHA, Xasan Cali Geesey, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumqadda Federalka, Cabdullahi Colaad Rooble iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka, C/raxmaan Al-cadaala

Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP), waxa uu qoyskaasi guddoonsiiyey  Kharaj, wuxuuna ballanqaaday inuu taageeri doono Qoyska Saxafiyadda nafteyda ku weyday  iyadoo ku guda-jirta waajibaadkeeda shaqo.

Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed ayaa ku geeriyootay qarax loogu xiray  gaarigeeda.

Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP), waxa kale oo uu ku baaqay in la badbaadiyo Shaqaaalaha Warbaahinta, oo uu ku sheegay inay yihiin Indhaha iyo Dhegaha Bulshadda.

Dhinaca kale, Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP) oo hoggaaminayo Wafdi Heer Sare ee dhinaca Xuquuqda Aadanaha ayaa ku sugan Somalia,  si ay u indha-indheeyaan Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Somalia iyo sidii ay taageero uga geysan lahaayeen Asaaska Golaha Madaxa-bannaanka ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka Somalia

©Radio Dalsan    

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor