Afhayeenka AMISOM oo xaqiijiyay in la musafurinayo ciidamadii AMISOM ee Muqdisho lagu xiray

Afhayeenka ciidamada AMISOM Gaashanle dhexe Joe Kibet ayaa sheegay in 5 askari oo AMISOM ka tirsan dalalkooda loo musaafurin doono si loogu soo maxkamadeeyo kadib markii lagu helay xatooyo.

Joe Kibet ayaa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu Dalsan siiyay in AMISOM ay gacan ka geystay xariga askar lagu helay iney si sharci daro ah ku iibinayen qalab militari iyo shidaal loogu talo galay howlgalka AMISOM.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in askartan weli baaritaan lagu hayo dhalashooda balse waxa uu sheegay in dowlada iyo AMISOM ay hore u kala saxiixden heshiis dhigaya in askarta AMISOM lagu soo maxkamadeeyo dalalkii ay ka yimaaden haddii dambiyo lagu helo.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan xiray ugu yaraan 15 askari oo isugu jiray 5 AMISOM ka tirsanaa iyo 10 Soomaali ah oo ka ganacsanayay qalabka AMISOM oo ka koobnaa agab militari iyo shidaal howlgalkasi loogu talo galay.

Dowlada Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM ayaa si wada jir ah u xaqiijiyay dambiga lagu helay askartan,waxayna sheegen in dhamaan cadaalada la hor geyn doono.

Halkan ka dhageyso: Wareysiga oo Tarjuman:-

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor