Afhayeenka Alshabaab oo sheegay inay ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay Shibis

Afhayeenka Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda  Milliteriga, Sheekh C/casiis Abu Muscab oo goor dhow la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegay inay Alshabaab kaa dambeeyeen weerarkii saakayto lagu qaaday Dhismo ay Ciiddanka Nabad-sugidda ku tababartaan oo ku yaalla Degmadda Shibis.

Afhayeenka waxa uu sheegay inay weerareen goobtaasi, isla markaana ay dileen ciiddan badan, waa sida uu u sheegay Wakaalladda REUTERS.

Waxa kaloo uu intaasi ku daray inay qabsadeen Dhismaha lagu tababarayey Ciiddanka Nabadsugidda, isla markaana ay ka dhex dagaalamayaan.

Dagaalame ka tirsan Alshabaab oo  watay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa  ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey afaafka hore ee Dhismaha lagu tababaro Ciiddanka Nabad-sugidda oo ku yaalla agagaarka Dugsigii Sare ee Shibis.

Warar madax bannaan ayaa sheegayo inay Ciiddanka Ammaanka ee Dowladda Federalka haatan gacanta ku hayaan Dhismahaasi, isla markaana ay xaalladdu deggan tahay.

Xigasho: REUTERS

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor