Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa waxay afarta jiho ka galeen magaalladda Kabul, sida ay sheegeen Ilo-wreedyo kala duwan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi waxay sheegtay inay Daalibaan bilaabeen inay ku soo qulqulaan Kaabul.
Hoggaamiye ka tirsan Daalibaan oo ku sugan Caasimadda dalka Qatar ee Doha ayaa sheegay inay Dagaalamayaashooda amar ku siiyeen inay Waddo Amaan u furan dadka doonayaan inay isaga soo baxaan magaalladda Kabul iyo inaysan dagaal qaadi Karin.
Hadal-qoraal oo ay Kooxda Daalibaan si Online u soo saareen ayaa lagu sheegay inay Ciidadnkooda ku amreen inaysan ka gudbi Karin Albaabadda laga galo Kabul iyo inaysan weerarin.
Daalibaan waxay sheegeen inay socdaan Wada-xaajoodka in Xilliga Kala-guurka si nabad ah ku dhamaado iyo in la badbaadiyo Nolosha dadka Reer Kabul iyo Hantidooda.
Qoraal kale oo ay Daalibaan soo saartay waxay ku sheegeen inay ballan qaadayaan inaan lagu xad-gudbi doonin Hantida iyo Lacagaha Bangiyada, Ganacsatada iyo Hay’adaha kale.
Dhinaca kale, Dowladda Afganistan ayaa ku baaqday inay dadka is-dejiyaan, isla markaana gacanta lagu hayo xaalladda magaalladda Kabul.
Madaxweyne Ashraf Qaani ayaan warkiisa la maqlin, tan iyo markii uu shalay jeediyey Khudbad laga sii duubay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayo inuu weli ku sugan yahay gudaha Kabul, halka ay Warbaahinta Iran sheegtay inuu u dhoofay dalka Pakistan, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijinin.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan, Sheekh Rashiid Axmed waxa uu sheegay inay xireen Barta Torkham ee looga soo gudbo Xuduudka Afganistan.
Wararkii u dambeeyey ee ka imaanayo Kabul waxay sheegayaan inuu Maraykanku bilaabay inuu Diplomaasiyiintiisa kala baxo Safaaradooda ku taalla Caasimadda dalka Afganistan ee Kabul.
DiyaaradahaHelikoptarada ayaa la arkayaa iyagoo ku degaya Dhismaha Safaaradda iyo Gaadiidka Diplomaasiyiinta oo ka sii baxayo Dhismahaasi.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo Kumanaan Askar Maraykan ah ka soo degeen Garoonka Kabul.