Afduubihii Diyaaradda EgyptAir oo sheegay inuu falkaasi u geystay jacayl uu u qabo Qoyskiisa !!!?

Afduubaha oo lagu magacaabo Sayful-diin Mustafa ayaa maanta la hor geeyey Maxkamad ku taalla magaalladda Larnaca ee Jesiiradda Qubrus, isagoo lagu soo oogay Afduub, cabsi-gelin, inuu haystay waxyaabaha qarxa iyo Fal Argagixiso.

Afduubaha waxa uu Boliska u sheegay inuu falkaasi u geystay si uu u arko Xaaskiisa hore iyo carruurtiisa oo ku nool jesiiradda Qubrus.

Waxay xaaskiisa kala tageen muddo haatan laga joogo 24-sanno.

Garsooraha Maxkamadda Larnaca ayaa amray in Afduubaha muddo 8 maalmood la sii hayo.

Markii uu ka soo baxay Dhismaha Maxkamadda, isagoo saaran gaari ay Boliska leeyihiin, waxa uu gacantiisa ka soo taagay daaqadda Gaariga, isagoo muujinaya Calaamadda V ee la midka ah Guusha.

Hadal-qoraal oo ay Boliska ka qoreen Afduubaha waxa uu ku sheegay inuu  falkaasi ku kallifay hilow uu u qabo Xaaskiisa hore iyo carruurtiisa oo uusan arkin muddo 24-sanno.

AFDUUBAHA XAASKIISA HORE“Marka uusan qofku arkin qoyskiisa muddo 24-sanno ee doonaya inuu arko Xaaskiisa iyo caarruurtiisa, iyadoo Dowladda Masar oggolaanin arrintaasi. Muxuu qofku samayn karaa?” ayuu yiri Afduubaha oo 59 jir ah.

Waxa uu intaasi ku daray inuusan Xaaskiisa hore iyo ciyaalkiisa la hadlin markii uu ka tegay Qubru sannadkii 1984-kii.

Dhinaca kale, Xaaskiisa hore ayaa diidan inay Afduubaha ku booqato Xabsiga, iyadoo sheegtay inaysan doonaynin inay aragto ama la kulanto.

xabsi1 xabsi4 xabsi3 xabsi2
Sayfuldiin Mohamed-Mostafa.jpg2 Sayfuldiin Mohamed-Mostafa Sayfuldiin Mohamed-Mostafa.0003

©Radio Dalsan